Ciidanka Amniga oo maanta Muqdisho ku toogtay nin Bistoolad ku hubeysnaa

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka amniga dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Nabadsugida ee dharcadka ayaa barqanimadii Maanta qeyb kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku toogtay Nin hubeysan oo watay Bastoolad.

Ninkaas oo ciidamada ku toogteen degmada Waaberi ee Gobolkaan Banaadir ayaa ku hubeysnaa Bastoolad uu qorsheeynayay sida la sheegay inuu ku dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, hasa yeeshee ay ka hortageen laamaha ammaanka.

Ciidamada amniga gobalka Banaadir ayaa xoojiyay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ay socdaan baaritaanno iyo barro lagu koontaroolo gaadiidka si looga taxadaro qatar walba amniga lid ku ah.

Muqdisho ayaa waxaa xilliyada qaarkood ka dhaca falal amniga liddi ku ah sida dilal qorsheysan oo geystaan kooxo hubeysan iyo weeraro dhaca oo ugu dambeeyay weerarkii Al-shabaab ku qaaday Hotelka Rays oo ku yaalla meel ku dhow Madaxtooyada.