Ciidanka amaanka Garowe oo gacanta ku dhigay khamri iyo gaarigii siday

Reading Time: < 1 minute

Booliiska caasimadda Garoowe ayaa soo bandhigay khamri iyo gaarigii siday oo xalay lagu qabtay saldhiga galbeed ee magaalada.

Taliye ku xigeenka saldhiga galbeed Xiddigle Cabdullaahi Cali Wadaad (Qoob) oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa sheegay in dhalooyinkaas khamriga ah iyo gaarigiis sidayba loo gudbin doono sharciga.

Xiddigle Qoob ayaa sidoo kale sheegay in ay baxsadeen laba nin oo saarnaa gaariga khamriga siday islamarkaana weli Booliisku ku raad-joogaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!