Ciidamada Ururka Al Sunna oo in mudo ah gacanta ku haysay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa gacantooda ka sii baxaysa maalimba maalinta ka danbeeysa maamulka iyo gacan ku haynta Dhuusamareeb.
Subaxii hore ee saakay ayaa ciidamadii shalay la geeyay magaalada Dhusamareeb waxa ay isku dayeen in ay si xoog leh ula wareegaan saldhiga Booliks oo xarun u ahayd ciidanka Booliska magaalada Dhuusamareeb. Ciidankii iyo taliska haystay ayaa ka diiday una sheegay in hadii ay talaabo soo qaadaan ciidanka Kheyre in tacshiirad lagu furi doono.
Ciidanka AL Sunna oo ku hubaysnaa hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay dirsadeen gurmad. Markii labada ciidan ay dhowr daqiiqado is hor fadhiyaan ayaa ciidanka Kheyre ka dhaqaaqeen iyaga oo ku noqday xarun ay deganaayeen oo ku dhaw garoonka diyaradaha.
Xaalada magalaada Dhuusamareeb ayaa aad u kacsay iyada oo laga yaabo in uu isku dhac ciidan ka dhasho deegaankaas saacadaha iyo maalmaha soo socda. Waxa maanta iyo xalay ku soo qulqulayay magaalada Dhuusamareeb iyo nawaaxigeeda ciidamo ka kala yimid Xeraale iyo Mareerguur, Qool qool iyo Guraceel.