Ciidan xoogan oo uu horkacayo Abaanduulihii xilka laga qaaday oo lagu arkay Sh/Hoose

Reading Time: < 1 minute

Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General C/laahi Cali Caanood oo shalay xilka laga qaaday ayaa waxaa maanta lagu arkay Gobolka Shabellaha Hoose, xilli uu watay ciidan la socday 46 gaari oo nooca dagaalka ah.

Mid ka mid ah gaadiidkan ayaa waxaa qarax miino lagula eegtay inta u dhaxeyso Nambar Lixdan iyo Shalambood, iyadoo ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay askartii saarneyd gaarigaasi.

General C/laahi Cali Caanood ayaa la sheegay saacadihii ugu dambeeyay in ciidankaasi uu isugu geeyay aagga Afgooye, isagoona duhurnimadii maanta u ruqaansaday dhanka Shalambood iyo deegaanada kale ee ku xeeran.

Saraakiil Militariga Somaliya ka tirsan ayaa inoo sheegay inaanay si rasmi ahi u garanayn ujeedada ka dambeysa dhaqdhaqaaqyada uu xilligan Caanood ka wado Gobolka Shabellaha Hoose, balse ay Caanood ka soo xiganayaan in uu dhaqdhaqaaqyadan kaga gol leeyahay hawlgal ka dhan ah Shabaab.

Wararka ka imaanaya Zone Shalambood ayaa ku waramaya in meel ku dhow deegaankaasi laga dareemay saxmadda ciidanka tirada badan ee Caanood uu horboodayo.

Sida laga soo xigtay Caanood haddiiba uu doonayo in uu qaado guluf ka dhan ah Al Shabaab ayaa waxay dadka qaarkii is weydiinayan sababta uu gulufkaasi u qaadi waayay, ka hor intii aan xilka laga xayuubin.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in General Caanood uu saluug ka muujiyay xil ka qaadistii shalay lagu sameeyay, iyadoo kol horena la’ogaa in is maandhaaf uu kala dhaxeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Madaxweyne Farmaajo ayaa Khamiistii is bedel ku sameeyay Taliyeyaasha ciidamada qaarkood, wuxuuna xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyihii Ciidanka Badda, Abaanduulihii Ciidanka Xoogga iyo Taliye Kuxigeenadii NISA.