Sida ay sheegayaan dadka ku sugan magaalada Laascaanood waxa maanta soo gaaray deegaankaas ciidan farabadan oo huwan ah kuwass oo ku hubysan hubka noocyadiisa kala duwaan.
Ciidankaan ayaa lagu sheegay inay ka yimaadaan beelaha Harti ee dega Dowlad Goboleedka Puntland iyo ciidan ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.
Ciidanka Gurmadka ah oo watay gawaari faraban ayaa lagu dhex arkaayay iyaga oo maraya wadoonyinka guduha magalaada Laascaanood. Maalmihii u danbeeyay waxa dagaalka Laascaanood lagu arkayay saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland oo ka dagaalamaya furinta hore ee dagaalka.
Mid kamida saraakiishaas oo la hadlay warbaahinta aya sheegay inuu yahay sarkaal ka tirsan ciidanka Puntand kana yimid Gobolka Mudug. Waxaa la qiyaasayaa in Gurmadkaan uu wax weyn ka badali doono dagaalka ka socda Gobolka Sool.