Ciidan kawada tirsan dowlada Federaalka oo isku rasaaseeyay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Israsaaseyn Ciidamo ka wada tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya barqanimadii Maanta ku dhexmartay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Iska horimaadkaan ayaa dhexmartay Ciidamo ka amar qaata Sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne iyo Ciidamo Milateri ah, waxaana ay rasaasta bilaabatay, kadib markii Ciidanka Milateriga rasaas ay ku furanayeen ciriir ka jiray Isgoyska Warshada caanaha ay ka shakiyeen ciidanka Liibaan oo ku sugnaa goobta.

Sida ay sheegeen Goobjoogayaal Israsaaseynta Ciidamada dowladda ay ka geysatay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, halka mid kalen uu dhaawac soo gaaray.

Mar  danbe ayaa ay ogaadeen in Saraakiisha Ciidamada israsaaseeyay ay is fahmeen, isla markaana waxaa si caadi ah dib ugu soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Warshada caanaha oo daqiiqado kooban hakad galay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!