Reading Time: < 1 minute
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
128 days
02 hours
33 minutes
17 seconds

Ciidan ka tirsan Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maanta sameeyay gadood ku saabsan mushaar la’aan, iyagoo muddo saacad ku dhow xirtay Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere illaa Isgoyska Jubba.

Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa ahaa kuwo bilo ka hor tababar ku soo qaatay Dugsiga Tababarka Jen. Shirbow.

Ciidankan ka tirsan Nabadsugida ayaa saldhig ku lahaa garoonka diyaaradaha Dayniile, halkaasoo Hey’adda Nabadsugida ay geysay, waxaana ay isaga soo baxeen maanta gelinkii hore.

Wararka ayaa sheegaya in muddo 3 bil ah aysan qaadan wax mushaar oo ay ka maqan tahay xuquuqdooda.

Ciidankan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa muddo u xirneyd wadada, iyagoo joojiyay dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee wadadaas oo ku dhow Xarunta Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo tan Xarunta Dhexe NISA ee Habar Khadiijo

Saraakiil ka tirsan NISA oo markii dambe ku soo baxay cabashadan ayaa ku guuleystay in ciidamadan ku qanciyaan inay joojiyaan xanibaada, isla markaana ay heli doonaan xuquuqdooda.

Ciidamo gadoodsan oo sheegay inay ka tirsanyihiin nabad-sugidda Soomaaliya oo xirtay wadada gasha Madaxtooyada Soomaaliya kana cabanaya mushaar la'aan muddo dhawr bilood ah.

Ciidamo gadoodsan oo sheegay inay ka tirsanyihiin nabad-sugidda Soomaaliya oo xirtay wadada gasha Madaxtooyada Soomaaliya kana cabanaya mushaar la'aan muddo dhawr bilood ah.Abdi Wahiid

Gepostet von Dalsan TV am Mittwoch, 16. September 2020