Ciidan ka tirsan ilaalada Villa Somalia oo lagu tababaray dalka Serbia

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Tababar dalka Serbia oo ka tirsan qaarada Yurub ugu soo xiray Qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxtooyadda Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray Qaar ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo Muddo Afar bilood ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.

Munaasabadda Xiritaanka waxaa goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Serbia Mudane Bratislav Gasić, Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Saraakiil ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Askarta Tababarka loo soo xiray ayaa tiro ahaan gaarayay 60-Askari oo isugu jiray Saraakiil,Saraakiil xigeeno, Dabley iyo Alifley, kuwaas oo qaatay Tababar heer Sare oo ku saabsan Amniga iyo ilaaladda Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.