Ciidamadan ayaa isku soo dhiibay Saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland ee ku sugan Jiida hore ee Dagaalka , kuwaasi oo si aad ah u soo dhaweeyay .
Ciidamadan ka soo goostay Maamulka Somaliland ayaa ahaa Ciidamada Guutada Gacan Libaax tiradoduna lagu shegay Boqol iyo Toban Askari oo fadhigooda uu ahaa Jiida hore ee Gobolka Nugaal.
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Farawayne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Ciidankan, ayna qeyb ka noqon doonaan hujuunka dagaal ee ku wajahan Somaliland.
Dhinaca kale Taliye kuxigenka guud ee ciidanka Puntland General Saciid Shoobe ayaa sheegay Ciidankan in ay ka shaqeyn doonaan nabad gelyada, wuxuuna tilmaamay in diyaar u yihiin iska difaacida dagaal kaga yimaada Somliland.