Ciidan Booliis ah oo si gaar ah logu soo tababaray Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray

Reading Time: < 1 minute

Askar ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tababar kusoo dhameystay dalka Jabuuti, ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, sida uu sheegay TV-ga Qaranka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo garoonka ku soo dhaweeyay saraakiishan ayaa sheegay in tababarka ay si wadajir ah u fulinayeen macalimiin ka kala socday dalalka Jabuuti iyo Talyaaniga.

Tababarkan waxaa iska kaashaday dowladaha Talyaaniga, Jabuuti iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Mudane Xijaar oo intaas ku daray in macalimiin Talyaani ah ay saraakiishan ku wehliyaan Muqdisho.

Xijaar ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

TV-ga dowladda ayaa sheegay in dufcadii 17-aad ee Ciidamo boolis ah oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyadoo la dardargelinayo tababarka Ciidanka kala duwan ee Soomaaliya.