Ciidan Badan oo Qalqal Ku Haya Shacabka oo Lagu So Daadiyay Muqdisho iyo Amaanka oo Sii Xumaanaya

Reading Time: < 1 minute

Iyado ay Dhawaan Xukuumada Soomaaliya ay Magaalada Caasimada ah kuso daadisay Qalqal ku aburaya Shacabka aya waxa Magalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyana ku soo badanaya dilalka ay geysanayaan Kooxaha Hubeysan ee Al Shabaab Dilalka u qaabilsan.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay ku dhawaad 15 qof kuwaas oo aan ilaa hadda dadkii fuliyay Ciidamada amaanka ku guuleysan iney soo qabtaan, waxaana soo kordhaya walaaca ay qabaan Shacabka magaalada Muqdisho.

Dilkii ugu dambeeyay ayaa maanta ka dhacay degmada Dharkeynley ee Gobalka Banaadir, dilka ayaa loo geestay Wiil dhalinyar waxaana Fuliyay Koox ku hubeysan Bastoolado kuwaas oo dilka ka dib baxsaday.

Dowlada Soomaaliya aya Magaalada Muqdisho soo dhooobtay Ciidan badan iyado wadooyinka Waawayn ee maalmahan ku sugnaayen Ciidan badan oo hubeysan.

Muqdisho aya hada umuuqata mid ay amankeda ku fashilmeyn Xukumada iyo wasiirka amniga maadama ay hada gashay jawi u muuqda “BANDOW” waxana Xiliyada Maqribadi dadka iyo gaadidika loo diida marista wadoyinka qaar iyo jidadka xaafadaha Muqdisho haba ugu badnaato Xaafadaha ku teedsan Wadada 30-ka ee Muqdisho iyo xaafadaha Ka Danbeeya.