Ciidamo xoogan oo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay suuqa ganacsiga ee Rugsan Mall kaasi oo ku yaala Degmada yaaqshiid gaar ahaan suuq-bacaad,waxaana ciidankaani wato ganacsade Abuukar Isaaq Iidoow (SIIDII) oo ka mid ah milkiilayaasha Mall-ka.
Isqabqabsi u dhaxeeyay Ganacsade Abuukar Isaaq Iidoow (SIIDII) iyo Laba ruux oo la shirko ahaa islamarkaana ay walaalo yihiin ayaa dhowrkii bil ee ugu dambeeyay jiray.
Ganacsiga mall-ka ayaa gabi-haantiisa hakad galay iyadoo ay gudaha u galeen ciidanku,waxaana lagusoo waramayaa in ay daaqadaha qoryo la saaran yihiin.
waxii kusoo kordha la soco insha’allah