Ciidamo xoogan oo la geeyay Degmada Afgooye

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Somaliya ayaa waxa ay ciidamo badan gaysay Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ciidankaasi oo ah Boolis xarun ka dhigtay Degmadaasi.

Ujeedada ciidamada Booliska loo geeyay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa waxa ay la xiriirtaa, si looga gaashaanto weeraro Ururka Al Shabaab ay ku soo qaadaan Degmada Afgooye.

Xoogaga Shabaab ayaa dhawr mar weeraro kala duwan ku soo qaaday Degmada Afgooye oo ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya.

Ciidankaan oo laga diray Magaalada Muqdisho, ayaa wata saanad Militari oo dhameystiran iyo gaadiidka dagaalka oo ay ku xiran yihiin qoryaha culus.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya ayaa tagay shalay Demada Afgooye si ay ugu kuurgalaan ciidamada la dajiyay Degmada Afgooye iyo qaabka ay u dhisteen Difaacyada Ciidanka ee halkaasi laga sameeyay.

Dowladda Somaliya ayaa markaan wada qorshe ku aadan in ammaanka Magaalada Muqdisho laga difaaco banaanka Magaalada, halka markii hore ciidanka intooda badan lagu dhex hayn jiray magaalada Muqdisho gudaheeda.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!