Ciidamo uu hogaaminayo Kornel Caare oo weerar ku qaaday fariisin ay Ciidamada Somaliland ku leeyihiin Deegaanka Ceel Afweyn

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo uu hoggaaminaayo Kornel Caare oo dhawaan sheegay in uu ka baxay Somaliland ay xalay weerar ku qaadeen degaankaasi.

Degaanka Ceel Afweyn ayaa waxaa fariisin Ciidan ku leh maamulka Somaliland, waxaana la sheegay in uu halkaasi soo weeraray Kornel Caare oo horay uga tirsanaan jiray Ciidanka Somaliland.

Dagaal socday Muddo dhowr Saacaddood ah ayaa dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo waliba Jabhadda uu hoggaamiyo Caare, waxaana dagaalkaasi ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobta lasoo weeraray ayaa waxaa ku sugnaa Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland,oo waday waanwaan ku aadan in la qanciyo Ciidanka Jabhadda ah si ay dib ugu soo laabtaan Somaliland.

Caare ayaa hoggaamiya Koox hubeysan oo Jabhad ah oo kala soo goostay Somaliland ka dib markii ay isku dhaceen Taliyaha Ciidanka Somaliland.