Ciidamo taageersan Dhoobo daareed oo guluf ka bilaabay qaybo ka mid ah Gobolka Sanaag

Sidda ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Badhan maamulka gobalka Sanaag ee Puntland ayaa ku howlan sidii ay dajin lahaayeen xiisad cabsi laga qabo in ay ku dhaqaaqaan talaabo aan sax aheyn ciidamo kusugan gobalkaas oo katirsan kuwa Puntland, kana carooday talaabadii ay xalay ciidamo ku weerareen xarunta baarlamaanka ee Garoowe.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay soo gaareen deegaanka Ceel-Daahir oo ay marto wadada laamiga ah ee isku xirta gobalada Puntland, dadka qaarkood ayaana walaac ka muujinaya in ay rabshad halkaasi ka abuuraan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Ceel-Daahir ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii loo xakameyn lahaa ciidamadan oo ka careysan talaabadii Garoowe, waxayna sheegeen in ay joojin doonaan isku socodka gaadiidka.

Ciidamadan ayaa ku hubeysan gaadiidka dagaalka, waxaana subaxnimadii hore ee saaka ay soo gaareen laamiga dheer ee isku xira Puntland, iyadoo ay socdaan dadaalo lagu joojinayo ficilo ay sameeyaan.

mm
Axmed Nageeye

Muqdisho Online main headquarter is in Mogadishu, Somalia, but the office remains anonymous, because of constant threats against its staff.Email us at [email protected]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here