Ciidamo SSC oo dheeraad ah oo ku biiraya dagaalka Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Guutooyin ka tirsan Ciidanka Kaydka ah ee SSC-khaatumo ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan dagaalka Laascaanood. Ciidankan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan hubka culus ayaa sida la xaqiijinayo dhawaan u ruqaansan doona jiidda Gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada kaydka SSC ee dagaalka ku biiraya ay ku jiraan cutubyo si gaar ah u tababaran oo ku hubaysan qoryaha diiradda leh. Ciidankan xooggan ee ku wajahan jiidda Sool ayaa u muuqda mid dhinac u ridi doonta dagaalka Laascaanood oo socda in ku dhow lix bilood.