Ciidamo Qaab Qabiil u Abaabulan oo laga Cabsi qabo in ay soo galaan Magaalada Muqdisho!!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaano ka soo kala jeeda Beelaha Habargidir iyo Abgaal ayaa ciidamo badan oo u abaabulan hab beeleed u diyaarsaday khilaafka iminka u dhaxeeya Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kuwa mooshinka ka wada ay taageero dhaqaalo iyo mid Militari ka helaya Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo Miizaan culus ku dhex leh Golaha Shacabka iyo Beelaha ay ka soo jeedaan ayaa ku eedeeyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya inuu dhaqaalaha iyo Ciidamada Qaranka uu u adeegsanayo Siyaasaddiisa gaarka ah ee uu kaga horjeedo Guddoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan.

Ciidamo badan oo u wata dareeska Ciidanka Dowladda balse u abaabulan hab beeleed ayaa ka soo kala gudbay xadka Gobolka Banaadir uu la wadaago Goboladda Shabeelaha dhexe iyo Hoose,kuwaasi oo Xildhibaanada ay ku doonayaan iney isku difaacaan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa la wareegay awooda Ciidamada Militariga,isagoona adeegsada markasta oo ka hortimaado cakirnaan siyaasadeed.

Waxaana si gaar ah Xildhibaanada uga caroodeen Ciidamadii la dhigay xarunta Golaha Shacabka lagana wareejiyay kuwii hore ee amaanka sugayay,balse markii danbe ciidamadii hore lagu soo celiyay.

Xaaladda Siyaasadda Soomaaliya ayaa meel Xasaasi ah mareysa,waxaana socda wadahadalo lagu doonayo in lagu xaliyo Khilaafka.