Ciidamo Puntland Oo Howlgalo Ka Wada Magaalada Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Wararka Naga soo gaaraya magaalada boosaaso ee gobalka Barri ayaa sheegaya in ciidamada Amaanka Puntland ay Xalay Halkaasi ay ka sameeyeen howlgal lagu xaqiijinayay Amaanka,kaasi oo looga hortagayo Falalka Amni daro ee mararka qaar ka dhaca Magaaladaasi.

Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in Baaritaanka ay ka sameeynayeen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada,gaadiidka,iyadoona u jeedada baaritaanka uu ahaa in gacanta lagu soo dhigo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo daacish.

Wararka qaar ayaa sheegaya in howlgalkii xalay ay ciidamada sameynayeen ay dad badan ku soo qab-qabteen howlgalkaasi,inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn tirada dadka howlgalkaasi lagu soo qabtay.