Ciidamo loo diyaariyay Kacdoonka Shacabka oo Muqadisho lagu soo badhigay

Iyada oo la filayo in asbuucyada soo socda ay ka dhacaan magaalada Muqadishu mudaharaadyo joogta ah, gaar ahaan maalinta berito ah ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay galabta ku soo bandhigtay Xarunta Xisbiga ee degmada Wardhiigley ciidamo lagu sheegay in  loo diyaariyay ka hortagga Rabshadaha, iyadoo ciidamadaan ay dhoolatus u yihiin banaan bax la qorsheynayo in uu berri ka dhaco Muqdisho.

Ciidankaan oo u muuqda kuwa aan xirfad u lahaynin maamulka banaanbaxyada  ayaa waxaa Munaasabad lagu soo bandhigayay ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana ciidamadan u dhameystirnaa agabka loogu tala galay ka hortagga rabshadaha.

Waxaa asbuucyadii la soo dhaafay ka socday dalka gudihiisa iyo dibadiisa hadal haynta banaan baxa la iclaamiyay in uu qabsoomo 18-ka bishan oo ku beegan berri oo Khakiis ah inuu ka dhacayo Muqdisho.

Inkastoo aan la ogeyn cida leh abaabulka iyo qaban qaabada banaan baxa, hadana xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay in banaan baxaas ay ka dambeeyaan mucaaradka dowladda oo doonaya inay kaga faa’ideystaan danooyin siyaasadeed.

Waxaa laga dareemayaa baraha bulshda qaban-qaabo iyo abaabul balaaran. Madaxda dowladda Federaalka ayaa aad uga walwal qaba banaan baxyada la qaban qaabinayo, waxaana la sheegay in Hey’addaha ammaanka ay shirar is daba joog ah ka lahaayeen sidii lagu baajin lahaa banaan baxyada la abaabulayo.

Baanbaxaan ayaa la sheegay in looga soo horjeedo dowlada Fedaraalka oo ku fashilantay amniga dalka guud ahaan, gaar ahaan magaalada Muqadishu.

Sabtidii la soo dhaafay ayay aheyd markii askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu wiil dhaljnyaro bajaajle ah iyo qof kale ku dilay Isgoyska Howl-wadaag, waxaana dilkaas ka dhashay banaan baxyo rabshado watay oo hareeyay magaalada oo dhan, kaasoo lagu gubay taayaro.

Advertisements
Xayeeysiin