Ciidamo lagu soo tababaray Eritereeya oo dhawaan Gaalkacyo la gaynayo

Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.

Waxaa dhawaan laga soo daabulayn donaa dalka Eritereeya dufcawadii koowaad ee soo dhaamaystay tababar ciidan oo halkaas lagu soo siiayay ciidamado uu Farmaajo u dirsaday dalka Eritereeya muddo hada lago joogo toban(10) bilood.

Ciidankaan oo ku qalabeysan qoryaha fudud oo ay dowlada Qatar ugu deeqday dalka Soomaaliya  ayaa fariisan ka dhigan doono duleedka magalaada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug. Waxaa dhawaan la balaarin doonaa xarunta ciidanka danab ee hada ku sugan degaanka Gaalkacyo. Qaar kamida ciidanka danab waxaa loo rari doonaa degamada Dhuusamareeb.

Sida MOL ay ugu xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga Dalka, ciidankaan ayaa ujeeda laga leeyahay ay tahay in ay si xoog ah ula wareegaan magaalada Gaalkacyo, iyo in ay soo xiraan madaxweyne Xaaf. Ciidanka ayaa sida la sheegay waxa hogaamiye loga dhigayaa nin u dhashay beesha Sacad, kaas oo lagu badalayo taliye Qoojo.