Sida ay kusoo waramayaan wararka aynu ka heleeyno Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo xoogan oo ka tirsan Kuwa difaaca puntland ay kasoo ruuqaansadeen deegaano hoos-taga hobyo
Degaanada ay ciidamada ka baxeen ayaa waxay hoos tagaan degmada Hobyo ee gobalka Mudug waxaana dhawaan qabsaday Ciidamada ka dib duqeyn xoog leh oo maalmo ka socotay koofurta Mudug.
Dadka degaanka ayaa soo sheegaya iyadoo aan dagaal dhicin ay ciidamada dowladu iskaga baxeen lamana oga sababta ka dambeysay bixitaankooda.
Kooxda Al-shabaab ayaa laga baqdin qabaa in ay deegaanadaasi kusoo laabtaan oo ay gacanta ku dhigaan,ciidamadaani ayaa garab siinaayay kuwa Maamulka Galmudug