Ciidamo Ku Dhaawacmay Dagaalkii Baar-sanguuni Oo Lageyay Magaalada Kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland ayaa sheegaya in dhaawacyo fara ban la gaarsiiyay Isbitaalka dhexe ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo ku soo dhaawacmay dagaal xoogan oo Saakay aroortoo hore ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in dhaawacyo badan la gaarsiiyay Isbitaalka magaalada Kismaayo, dadka shacabka iyo Wariyaasha ayaa loo diiday in ay booqdaan Isbitaalka la gaarsiiyay dhaawacyadaasi.

Dadka dhaawacmay ee Isbitaalka la gaarsiiyay ayaa u badan Askar kuwaas oo kusoo dhaawacmay dagaal Qaraxyo ku bilowday Saakay waabarigii hore Al-shabaab iyo Ciidamada dowlada ku dhax-maray duleedka deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.