Ciidamo ku Dgaalamay Cadaado!!

Reading Time: < 1 minute

Israsaaseyntan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka soo ambabaxay Gaalkacyo kuna sii jeeday Dhuusamareeb ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka magaalada Cadaado.

Waxaa la xaqiijiyay in iska hor imaadkan uu ku dhintay Hal askari, halka ay ku dhaawacmeen Laba kale oo ka mid ah dhinacyada wada dagaalamay ee ka wada tirsan maamul goboleedka Galmudug.

Masuuliyiinta Galmudug oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in ciidamo ay ku baxeen goobta uu falka ka dhacay, islamarkaana ay socdaan baaritaano falkan la xiriira, si loo ogaado cida qaladka leh.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in saakay magaalada laga dareemayo israsaaseynta xalay dhacday, sidoo kalena ay jirto cabsi kale oo ku aadan in markale ay wax dhacaan.

13-kii bishan ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Galmudug ay diideen inay Cadaado galaan ciidan kale oo ka yimid dhanka Gaalkacyo, sababo la xiriira xiisada siyaasadeed ee ka dhex jirta madaxda Galmudug.