Ciidamo Kenyaan ah oo aad u hubaysan oo lawareegay amaanka Madaxweyne kuxigeenka Jubaland

Reading Time: < 1 minute

 

Wararka ina soo gaaraya Magaalada Mandheera Ee Dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo Kenyaan ah oo aad u hubaysan ay Amaankiis la wareegeen Hoteel uu degan yahay Madaweyne kuxigeenka Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamuud Sayid aadan oo kuyaalla Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya .

Arintaa ayaa waxa ay timid kadib markii Madaxweyne kuxigeenka Ciidamo Itoobiyaan ah ay u diideen in uu gudaha ugalo Magaalada Beled xaawo ee Gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah damcsanaayeen in lagu qabto Madaxweyne kuxigeen 1aad ee Maamulka Jubaland balse waxa uu Difaac ka helayaa Ciidamo Kenyaan ah oo lawareegay Hoteelka uu Mandheera ka deganyahay.

Weli majiro wax war ah oo kasoo baxaya Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Maxamuud Syid Aadan oo ku aadn arintaa kataagan Mgaalada Mandheera ee Dalka Kenya.