Ciidamo Kawada Tirsan Xooga Dalka oo Ku Dagaalamaya Gudaha Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo gaaraya xaafada Silliga ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu ka socdo halkaasi.

Wararka ka imaanaya Muqdisho aya shegaya in Dagaal uu ka socdo Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Dadka ku dhaqan xaafada Silliga ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkan uu u dhaxeeyo laba ciidan oo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya, kuwaasi oo isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka aya ka dambeeyay, kadib markii ciidamadan dagaalamay ay isku qabsadeen dhul halkaasi ku yaalla, taasi oo keentay dagaalka inuu bilowdo.

Dagaalka ayaa hada waxaa uu ka socdaa xaafada Siliga, gaar ahaan Xaafadda Nasteexo laguu dagaalamay.

Waxa sii kordhaya Ciidamada Dowlada ee ku dhex dagaalama Gudaha Magaalada Muqdisho iyado dagaaladaasi ay ku dhacaan qaab qabiil iyo kala shaki so kala dhex gala arinkaasi oo an ila hada Dowlada wax aysan ka qaban,