Ciidamo kawada tirsan DFS oo is-rasaaseeyay iyo Khasaare ka dhashay

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo a wada tirsan Dowladda Soomaaliya oo iska horimaad ku dhexmaray  isgoyska Ex-Contarol Afgooye, iyadoo uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen dad shacab ah.

Labo ruux ayaa la sheegay in ay ku dhimatay dagaalka dhexmaray ciidamada ka wada tirsan dowladda soomaaliya halka tiro kale ay ku dhaawacmeyn.

Goob-joogayaal ku sugnaa halka Iska hor imaadka la dhacay ayaa sheegay in dagaalka uu dhacay xilli ay dad badan ku sugnaayeen oo lacagaha canshuurta loogaga qaado gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo galaya magaalada Muqdisho.

Iska horimaadka Ciidamada ayaa la sheegay sidookale in uu salka ku hayo Cidii qaadan lahayd, lacagta bosteejada Warlaliska oo ay gawaarida aada Weydow,Ceelasha, Lafoole iyo Afgoye.