Ciidamo katirsan Xasilinta oo lagu weeraray Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay saqdii dhaxe lagu qaday ciidamo katirsan kuwa xasilinta oo fariisin kuleh Xaafada Carafaad ee Degmada Yaaqshiid.

Werarka ayaa laa isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana daryanta rasaasta laga maqlayay inta badan degmooyinka Gobolka Bnaadir, Dadka deegaanka oo aynu lahadalnay ayaa inoo sheegay inay halmar maqleyn jug culus waxeyna shegeyn inay xigtay rasaas aad ufarabadan oo ay isku adeegsadeyn kooxihii weerarka soo qaaaday iyo ciidanka xasilinta ee saldhiga ku leh Garoon kubada lagu ciyaaro oo ku yaala xaaafada carafaad ee Degmada yaaqshiid.

Ciidanka Xasilinta ayaa halkaasi lageeyay bilwogii bishii Ramadaan waxeyna halkaaasi ku baraan gadiidka dadweynaha, iyadoona mararka qaar ay howlfalo ka sameeyan Xaafadaha kala duwan ee Degmada Yaaqshiid ee G/banaadir.

Sikastaba ha ahate waxaana la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay werarkan,waxaana inta badan werarada nuucaani oo kale ah sheegta Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom.