Ciidamo katirsan kuwa Itoobiya oo ka baxay Magaalada Kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubaland Gen Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta 43-aad Gen Cali Maxamed Maxamuud Bagmadoow ayaa Ciidanka ATMIS kala wareegay Xerada ma dhamaato ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Xeradaan ma dhamaato oo sanooyin badan ay ku sugnaayeen ciidanka Itoobiya ee katirsan ATMIS ayaa waxaa wareejiyay Taliyaha Qeybta Lixaad ee ATMIS Gen. Lucas Kutto.

Ciidamada Kenya ee katirsan howlgalka ATMIS ayaa weli ku sugan meelo kamid ah Gobolada Maamulka Jubbaland, iyaga oo Ciidamada Jubbaland ka taageera sugida Amniga Xarumaha Maamulka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xeradan Ciidan ayaa ka mid ah xerooyin dhowr ah oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kala wareegeen ciidanka ATMIS, iyadoo la qorsheynayo dhamaadka Sanadkan ineey guud ahaan dalka isaga baxaan ciidanka nabad ilaalinta u joogo.