Ciidamo Kala Taabacsan Dowladda Iyo Shariif Xassan oo Dagaal Culus ku dhex-maray Buurhakabo!!

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada xooga dowlada Soomaaliya iyo kuwoo taabacsan maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta ku dagaalamay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Ciidamada ayaa hub culus isku adeegsaday,waxaana Labada Ciidan oo ka soo kala baxay Degmada Buurhakaba iyo Baydhabo isku heleen deegaanka Wariishe ee ka tirsan Gobolka Baay.

Ciidanka Militariga ee ka soo baxay degmada Buurhakaba kuna soo jeeday magaalada Baydhabo ayaa ka shakiyay Ciidan kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo ka soo baxay magaalada Baydhabo kuna soo jeeday Buurhakaba,waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal xoogan.

Waxaa la soo sheegayaa khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,oo dhinacyada dagaalamay ka kala tirsan.

Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa labo askari kaga dhintay weerarka,halka Ciidanka Militariga dhankooda uu jiro dhaawac kuwaasi oo loo qaaday magaalada Baydhabo.