Ciidamo ka wadatirsan ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya oo is-dilay

Reading Time: < 1 minute
Wararka laga helayo Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Uganada ayaa sheegaya in Ciidanka dowlada Uganda ay baarayaan sababta keentay in askari ka tirsan ciidanka Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho uu u dilay sarkaal ka mida ciidanka AMISOM  ka hor inta uusan isagu isdilin.

Sida loo xaqiijiyay warbaahinta dalka,  askariga dilka geystay uu aad uga xanaajiyey sarkaalka la dilay waxaana sidoo kale rasaastaas ay dishay afar askari guud ahaan maalintii sababtida. Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Brig Richard Karemire ayaa sheegay in laba askari oo kaliya ay dhinteen baareyaashuna ay ka shaqeynayaan sababta keentay in askarigani uu dilka geysto.

“Sababta wali lama oga. Waxaan dooneynnaa inaan ogaanno haddii uu waalnaa iyo haddii kaleba,” ayuu yiri Brig Karemire shalay. Dhacdadan ayaa ka dhacday saldhig weyn oo hawlgalka midowga Africa ku leeyihiin Soomaaliya iyadoo ciidanka Uganda ee Soomaaliya jooga ay yihiin kuwa ugu badan ee ciidankooda u soo diray Soomaaliya.

Dalka ay kasoo jeedaan saraakiisha dhimatay wali lama shaacin. Toogashada ka dhex-dhacda ciidamada Uganda (UPDF) ayaan caadi ahayn marka ay hawlgal u joogaan meel ka baxsan dalkooda.

Ma aha markii ugu horeeysay ee ciidamo kawada tirsan ciidanka ka jooga Uganda Soomaaliya ay isdilaan,  horaantii 2011 ayaa sidoo kale dhacdo noocaan ah ka dhacday Magaalada Muqdisho.