Ciidamo Ka Tirsan Militariga Soomaaliya oo Ku Dagaalamay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka anu ka heleyno magalada Muqdisho aya shegaya in Ciidamo ka wada tirsan dowladda uu dagaal ku dhex maray degmada deeyniile ee Gobolka Banaadir.

dadka deganka aya sheegaya in ay ka war heleen dagaalka ciidamada dowladda dhexmaraya,isla markaana ay cabsi soo wajahday.

Ciidamada Dowladda ee wada dagaalamay ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay isku heysteen dhul halkaasi ku yaalla,kaas oo tiro ka dhowr jeer sidaan oo kale ay ugu wada dagaalameen.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu dhaliyey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyada oo khasaaraha ugu badan uu gaaray dad Shacab ah oo halka lagu dagaalamay degan.

Dagaalada dhexmara Ciidamada ka wada tirsan dowladda ayaa ku soo badanaya Muqdisho bilihii u dambeeyey.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!