Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowlalada oo Qarax Miino Lagula eegtay Duleedka Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya duleedka Magaalada Muqdisho aya shegaya in qarax xoogan lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwada dowlada soomaaliya oo marayay deeganka KM13 ee duledka Mudisho.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Gawaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa milateriga Soomaaliya.

Ilo deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay Gaarigaasi, xilli uu marayeen nawaaxiga Isbitaalka Macaani ee deegaanka Tareedisho.

Maalmahan danbe al shabaab aya kordhiyay werarada iyo qaraxyada ay la beegsadan ciidamada dowlada iyo kuwa amisom