Ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS oo qarax lagula eegtay Muqdisho.

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo qarax xoogan oo lala eegtay Kolonyo ka tirsan howlgalka ATMIS kuwaa oo marayay agagaarka isgoyska Cali Kamiin ee dagmada Warta-nabadda.

Waxaa la shegay in qaraxa kadib ay rasaas afarta jiho u ridden Ciidamada Ka tirsanaa howlgalka ATMIS ee qaraxa miino lala eegtay.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda waxa ayna isku gedaameen Goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ilaa iyo hada macadda inta uu gaarsiisanyahay Qasaaraha ka dhashay qaraxa, wallow warar hordhac ah ay sheegayaan in uusan badneen Khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Goobjooge la hadlay KNN ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qaraxa miino uusan sababin wax khasaare ah oo aad weeyn.