Ciidamo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo qarax lagula eegtay duleedka Waajid

Reading Time: < 1 minute

Hal askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo Arbacadii lala beegsaday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Miino ayaa lagu aasay meel u dhow ceel ku yaalla degmada Waajid ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana inta badan isticmaali jiray askarta Itoobiya ee ku sugan deegaankaasi, sida uu sheegay Aadan Isaaq oo ka mid ah saraakiisha ammaanka oo khadka taleefanka kula hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu.

“Qaraxa waxaa ku dhintay hal askari oo goobta ku sugnaa. Labada kale ee dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalka,” ayuu yiri.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ayaan weli ka hadlin weerarkan oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab.

Ururka Al Shabaab ayaa kordhiyay muddooyinkii la soo dhaafay weerarada ay ku qaadayaan ciidamada AMISOM iyo saldhigyada cidamada Soomaaliya.

Hase yeeshee ciidamada Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Hirshabelle ay ku dileen illaa lixdan ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab.