Ciidamo ka tirsan Burundi oo lagu dilay duleedka Degmada Balcad

Reading Time: < 1 minute

Markii ugu  horeeysay ayaa AMISOM qiratay in ciidamo ka dileen ururka Al Shabaab. Afhayeenka Ciiddanka dalka Burundi, Kolonel Floribert Biyereke ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 6 Askaari looga dilay dagaal ay Alshabaab maalintii Sabtida ee la soo dhaafay kula galeen Degmadda Balcad ee Gobalka Sh/dhexe.

Hogaanka  ciidamada Burundi ayaa sheegay in Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM  ay weerar kala kulmeen Dagaalamayaasha Alshabaab Degmadda Balcad oo 30 KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Waxa uu yiei “6 Askari isla goobta ayey ku geeriyoodeen, 3 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus, iyadoo 2 Askari oo kalena la la’ yahay raqdooda iyo ruuxooda”

Kolonel Floribert Biyereke ayaa dhabka kale sheegay in Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo tiradooda dhan tahay 5,432 Askari waa Ciiddanka 2-aad ee ugu tirada badan Hawlgalka AMISOM, marka laga soo tago Ciiddanka Uganda oo ay Somalia ka joogaan in ka badan 6,000 oo Askari.

Dowlada Soomaaliya kama hadlin ciidanka la dilay halka kooxda al shabaab ay warkaan ku baahiyeen warbaahintooda.