Ciidamo Ka tirrsan Maamulka Jubbaland Balse Qaab Beeleed u Abaabulan Oo Weeraray Xerada FIAT Ee Oo ay Deganyihiin Nabadsugidda Jubbland

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Jubbaland balse qaab beeleed u abaabulan ayaa weeraray xerada FIAT ee magaalada kismaayo halka oo ay deganyihiin Nabadsugidda Jubbland.

Iskahorimaad hubeysan oo halkaa ka dhacay ayaa la sheegay inuu geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo ciidamadii weerarka qaaday ay u suurtogashay inay ka sii daayaan xarunta Nabad Sugida labo askari oo halkaa ku xirnaa.

Ciidamada weerarka ku qaaday xarunta nabadsugida Kismaayo ayaa sida la sheegay waxa ay ka careysnaayeen askari ku naafoobay dagaalada Jubbaland ka dhacayay oo qoraalo uu soo dhigey bartiisa Facebooka awgeed loo xirey.

Askarigan ayaa la sheegay in uu ugaga go’ay gacan dagaaladii ay ciidamada Jubbaland la galeen ururka Alshabaab, waxana uu qoraal uu ku cambaareynayo maamulka Jubba sida ay u dayaceen uu soo dhigey bogga uu ku leeyahay Facebooka.

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay yihiin kuwo ku dhisan qaab beeleed waxaana mararka qaarkood dhaca iskahorimaadyo dhex mara ciidamada oo hub culus uu gacanta ugu jiro.