Ciidamo Ka Gaddodsan Mushaar La’aanta Cabdi Wali Gaas oo La Wareegay Bankiga Iyo Xafiiska Maaliyadda Puntland Ee Qardho.

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo Gadoodsan oo ka tirsan Birmadka Puntland, ayaa Saaka la wareegay Xarunta Bankiga iyo Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobalka Karkaar.

Dadka ku Sugan Magaalada Qardho ayaa Sheegay in aysan Saaka jirin Wax shaqo ah oo ka Socota Xarunta Bankiga Dowladda iyo Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada, iyadoona Shaqaalihii Xarumahaasi ay Ciidamadu u diideen in ay Galaan.

Saraakiisha Hoggaaminaysa Ciidamadan Gadoodsan ayaa Sheegay in aysan Wax Mushaar ah Qaadan 4 Bilood ee La Soo Dhaafay, waxaana ay Sheegeen in aysan jiri Doonin in ay sii daayaan Shaqada Xafiisyadan illaa la Siiyo Xaqooda.

Ma aha markii ugu horeysay ee Ciidamo Puntland oo ka gadoodsan Mushaar la,aan ay la wareegaan Xarumaha Dowladda ee ku yaalla Deegaanada Puntland, waxaana Muddooyinkii ugu dambeeyay isa soo tarayay Ciidamada ka cabanaya Mushaar la,aanta ee la wareegaya Xarumaha Muhiimka ee Puntland.