Ciidamo Ka Amar Qaata Madaxweyne Gaas oo Wariye Ku Dhaawacay Magaalada Garowe

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Garowe ee caasimadda Punland aya shegaya in ciidamo ka mid ah Ilaaladda Madaxweyne Gaas ay dhaawac u geysten mid ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Garowe.

Wariyaha dhawaca lo geystay oo lagu magacaabo Khaliif Geelle aya ka tirsan wariyaasha ka hawlgala magaalada Garowe sidoo kalana ah wakiil wareedka Tvga Jubbaland waxaa la shegaya in dhaawac culus ay u geysten Ilaaladda Madaxweyne Gaas.

Wararka aya shegaya in xilliga ay ciidamada dhaawaca ay u geysanayen wariyihu uu ku sugnaa Goob ay kasocotay Xaflad ay ku qalin jabinayeen arday.
Wararka aya shegaya in dhawacyo kaladuwan ay kaso gareyn dhanka Madaxa oo ay ciiddanka waxyeelo badan kaga geysten.
Qaar ka mid ah Ilaaladda Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay in ay ku hoobteen Wariyaha ka dib Khilaaf soo gala dhexgalay.

Madaxtoyada Puntland aya laga war dhowraya in ka hadasho dhibaatada lagula kacay wariyaha