Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyay KNN in ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay tageen xafiiska RW Rooble waxaana ay shaqaalaha xafiiska RW Rooble lagu amray in ay guryahooda aadaan.
Cidamadan ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa amar buuxa lagu siiyay in RW Rooble uusan tagin xafiiskiisa.
Xogta ayaa sidoo kale waxa ay tilmaameysaa in ciidanka ilaalada Madaxtooyada lagu amray inaysan soo gudbi Karin wasiiirada la shaqeeya R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble , iyadoo gaadiid dagaal iyo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo albaabada la galayo madaxtooyada Soomaaliya.
Arintaan ayaa ku soo aadaysa xili uu cirka isku sii shareerayo khikaafka xoogan ee u dhaxeeyo Rw rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana shaqo joojin uu farmaajo ku sameeyay R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.