Ciidamo Itoobiyaan dheeraad ah oo caawa lagu biiriyay ilaalada Kusimaha Madaxweynaha KG iyo ku Xigenadiisa

Reading Time: < 1 minute

Caawa aya waxa isbadal lagu sameeyeyay ciidamada Ilaalada Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed  isla markaana ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdulqaadir Sharif Shiikhunaa.

Ciidanka caawa lagu biiriyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed aya ah ciidanka sida qaarka  ah loogu soo tababaray ilaalada madaxda kuwaas oo loo yaqaano Koofi Guduudka.  Isbadalkaan aya waxa uu caawa ka abuuray magaalada Baydhabo shaki ah in la doonayo in la abuuro xaalad cabsi galiso hogaanka Koonfur galbeed si ay u aqbalaan rabitaanka Madaxweyne Farmaajo.

Qaar ka mida Malaaqayadda deegaanka Konfur Galbeed aya caawa  uga digay dowlada Farmaajo in ay faraha kala baxdo doorashada iyo danaha u gaarka dadka reer Koonfur Galbeed. Maalamaha soo socda aya la ogaan doonaa dareenka ay keeni  talaabada ay ciidamada Itoobiya caawa ku dhaqaaqeen.