Ciidamo Itoobiyaan cusub oo ka soo tilaabay xuduuda degmada Doolow, Gedo

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegaan wararka naga soo gaarayo degaanka Dooloow ee xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo federaal ah ka soo tilaabisay gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

Ciidanka oo aan la sheegin tiradooda ayaa ku biirayo ciidamo horay ugu joogay dalka Itoobiya gudaha Soomaaliya, Cidanka lagu soo daad-guraynayo dalka Soomaliya ayaa imaanaya iyada oo ay hada ku sugan yihiin dalka Itoobio wafdiyo kala duwan, iskana soo horjeeda kuwaas oo ka-kala socda dowlada goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale jooga dalka Itoobiya wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya kaa soo uu hogaaminaya wasiirka Gaashaandhiga.