Ciidamo Itoobiyaan ah oo qarax lagu wareerary

Reading Time: < 1 minute

Degaanka  Degmada Bardaale ee  ka tirsan Gobolka Baay ayaa waxaa la soo sheegayaan in uu ka dhacay weerar qorshaysan oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa  qarax miino ah oo loo dhigay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayay wadada xiriirisa Awdiinlle iyo Bardaale. Sidoo kale mid kamid ahaa gaadiidka ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu haleelay qaraxa,waxaana intaasi xiday dagaal saacado qaatay oo dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamadaas.

Sida la xaqiiiyay U=ugu yaraan 11 Askari oo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Qaraxa,isla markaana waxaa ku dhaawacmay tirro kale oo Ciidan ah,kuwaasi oo loo qaaday dhanka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa durabadiiba sheegatay kooxda Al-shabaab in ay  ay iyagu ka danbeeyeen qaraxa dhacay wadada xiriirisa Awdiinlle iyo Bardaale ee Gobolka Baay,waxaana ay sheegteen inay halkaasi ku dileen 11 Askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.