Ciidamo Itoobiyaan ah oo Kooxda Macawislayda kullaayey Gobolka Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Dagaal xoogan oo dhaliyay Khasaarooyin isgu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu ka dhacay Gobolka Hiiraan waxa uuna Dagaal dhex maray Kooxda Macawiislayda ku sugan Gobolka Hiiraan iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo kicitimay Gobolka Bakool.

Dagaalkaa ayaa yimid ka dib markii ay Ciidamada Itoobiya ay u yimaadeen fariisin ay kula haayeen Gobolka Hiiraan kooxda Macawiisleyda waxaana Ciidamada Itoobiyaanka ah ka soo bexeen Gobolka Bakool.

Tirada dhimashada ayaa waxa ay gaaraysaa dhanka Macawiislayda ilaa iyo 8 Ruux iyo dhaawaca in kale waxaa sidoo kale uu Khasaare baaxad le uu soo gaaray Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Dagaalka la galay kooxda Maxwiislayda Mana jirto ilaa iyo hada Cid arintaa ka hadashay.

Ciidankaan oo u muuqda ina yihiin kuwa lagu cirib tirayo macawisleyda shabaabka iska celisay waxayna muujineysaa in Shabaab ay garab mar waliba ka helayaan dowladaha Itoobiya iyo Somaliya. Taas oo ah sababta aanba shabaab looga guuleysan kareynin inta ay xaaladdu sidaan tahay.