Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka amar qaata Villa Somalia oo la wareegay Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo ka amar qaata MW. Farmaajo ay la wareegeen amaanka magaalada oo maalinta beri ah doorasho ay ka dhaceyso.

Ciidamada Ethiopia oo aan qeyb ka ahayn AMISOM ayaa la wareegay amaanka waddooyinka waaweyn ee magaalada iyo xarumaha dowladda ee ku yaala magaalada Baydhabo, si ay amaanka u adkeeyaan.

Doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhowr mar horey u baaqatay ayaa maalinta beri ah la filayaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana ku tartamaya shan Musharax.

Ciidamada Ethiopia ayaa sidoo kale caawa lagu arkayaa goobaha laga galo magaalada, waxaana sidoo kale wehlinaya ciidamada booliska Koofur Galbeed iyo ciidamadii dhawaan la geeyay magaalada.

Adkeynta amaanka Baydhabo ayaa looga gol leeyahay in looga hortago weeraro Al Shabaab ay ku carqaladeyn karaan doorashada Koofur Galbeed, maadaama horey maamulka ay u sheegeen inay ka helen xogo ku saabsan weerarada Al Shabaab.

Maalintii shalay waxaa lasoo gabo gabeeyay dhageysiga khudbadaha musharixiinta ay kaga hadlayaan waxqabadkooda marka la doorto ay la imaanayaan.