Ciidamo Itoobiyaan ah oo caawa la soo dhoobay xuduuda iyo cabsi caawa ka jirta …

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay MOL ayaa sheegayo in caawa la keenay xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya ee duleedka Gobolka Galgaduud. Ciidankaas oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa laga baqayaa in ay berito aroorta hore u soo gudbaan goobtii dagaalka ka dhacay maantay.

Ciidankaan gurmadka ah ayaa waxaa laga baqayaa in ay maalinta berito ah ka gaystaan degaanada maanta dagaalka ka dhacay xasuuq wayn.

Talabadaan ayaa waxa ay sii fogaynaysaa xal uhelida xaalada cakairan ee ka jirta Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa loogu baaqay in uu joojiyo hurinta colaada ka socoto Gobolada Dhexe.

Advertisements
Xayeeysiin