Shacabka ku nool gobolka banaadir ayaa siweeyn uga cabanaya handadaado ugu yimaada ciidamada ku sugan wadooyinka degmoooyinka gobolka banaadir taasi oo keentay in shaki weeyn la geliyo sidii ay ciidamadaasi ay u sugi lahaayeen amaanka maagalada muqdisho.
Sidee ciidamo handadaya shacabka ay u sugi karaan amaanka magaalada?
Muqtaar maxamed cali oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegaya in ciidamada sugaya amaanka looga baahanyahay iney ixtiraam iyo xushmad ay u muujiyaan shacabka maadama cida ay amaankooda sugayaan ay yihiin shacabka.
Wuxuu sidoo kale tibaaxay falanqeeyaha siyaasadeed in dowladda looga baahanyahay dhowrida xuquuqda muwaadinka soomaaliyeed.
‘’Dowladda waxaa looga baahanyahay ilaalinta xuquuqda muwaadinka iyo sugida amaankiisa si taas loo helo dowladdu iyo shacabku waa iney wada shaqeeyn ay dhexmarto oo ay iska kaashadaan sugida amaanka caaasimada balse haatan ma muuqato dowladd dhowreysa xuquuqda muwaadinka taasna waa nasiib daro iyo fashil kale oo ku yimid dowladda farmaajo’’ ayuu yiri falanqeeye muqtaar maxamed cali
Geesta kale shacabka qaar ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in lagu handado iney bixiyaan lacago aan la aqoon u jeedada shacabka looga qaadayo balse loo arko iney tahay isbaaro cusub oo laga bilaaway gudaha degmooyinka gobolka banaadir.
Maxa xilligan kusoo beegay in shacabka muqdisho laga qaado lacago aanan la ogeen ujeedadooda?
Mar kale muqtaar maxamed cali ayaa ka dhaawiyay