Ciidamo gurmad ah oo loo diray dagaalka ka socda duleedka Cadaado

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya duleedka magaalada Cadaado ciidamo aad u fara badab oo gurmad ah ay ka baxeen magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ee ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, ciidamadaan gurmad ka ah ayaa ku wajahan aagga Cadakibir, oo dagaql culus uu ku dhexmaray ciidamada daraawiishta Galmudug iyo dagaalameyaasha Al-shabaab. Goobjoogayaal ayaa sheegay in haatan ay abaabul xooggan ay ka socdaan magaalooyinkaasi iyo deegaanada hoostaga. Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada amniga Galmudug ayaa lagu yiri

“Ciidamada daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa iska caabiyay weerar ay galabta ku soo qaadeen kooxda argagixisada Shabaab, ayadoo wararka halkaas naga soo gaaraya ay sheegayaan in jab xooggan ay kala laabteen halkaas”

Waxaa u hadalku intaas ku daray “Kooxda argagixisada Shabaab oo dagaallo ay la galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa qaranka labadii billood ee u danbaysay deegaanno badan looga qabsaday isla markaana jab xooggan oo dhan walba ah lagu gaarsiiyey ayaa isku dayaya in ay soo qaadaan weeraro nafla-caari ah oo ay maleeshiyaadkooda si qasab ah lagu galinayo “
.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!