Ciidamo ka tirsan Puntland oo gadoodsan ayaa la sheegayaa inay xalay qabsadeedn kastamka ama xarunta canshuur qaadka degmada Xarfo ee Gobolka Mudug. Ciidamada oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa gebi ahaanba la wareegay kastamka Xarfo halkaas oo ay weli gacanta ku hayaan.
Ciidankaan gadoodsan ayaa gabi ahaanba xannibay dhaq dhaqaaqa isu socodka gaadiidka ee laamiga dheer sida laga soo xigtay dadka degaanka. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada gadoodsan ayaa dalbanaya in la siiyo mushaar iyo xuquuq kaga maqan dowladda si ay u banneeyaan kastamka.