Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Qeeybo Kamid Ah Magaalada Garoowe

Reading Time: < 1 minute

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka  Nugaal ayaa  sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan ciidamada maamulka Putland ay gabi ahaan xireen wadadda gasha Madaxtooyada Putland, sida ay ku soo waramayaan goobjoogayaal ku sugan Magaalada Garowe.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa idaacada Maanta ee Magaalada Muqdisho uxaqiijiyay in ciidamada xirtay wadadda gasha Madaxtooyada Putland ay celinayaan dadka iyo gadiidka doonaya inay halkaasi maraan.

Ciidamada gadoodsan ayaa la sheegay in mudo ka badan 8 bilood aysan qadan wax mushaae ah , wwaxaana ay sheegeen in haatan ay ubaahan yihiin mushaarkii ay xaqa ulahaayen.

Degaanada Maamulka Putland ayaa waxaa ku soo lab laabta ciidamada gadoodsan kuwaasi oo inta badan la wareega xarumaha oo ku shaqeeyo maamulka Putland.