Ciidamo gaar ah oo ka tirsan booliska Puntland ayaa xalay lagu wareejiyey xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe, xilli maalmihii ugu dambeeyey muran xoogan uu ka taagnaa.
Arrintaan ayaa timid kadib markii xildhibaano ka tirsan barlamaanka Puntland ay Madaxweyne Deni ugu baaqeen inuu wax ka qabto amniga xarunta baarlamaanka, iyagoo guddoomiyaha baarlamaanka ku eedeyey inuu ciidamo u gaar ah ku afduubtay amniga xarunta.
Xildhibaanadu waxay sheegeen guddoomiyuhu ciidamadaas uu ugu tala galay inuu ku caburiyo xildhibaanada ka aragtida duwan, isla markaana u adeegaya guddoomiyaha.
Ciidamada booliska Puntland ayaa xalay dhamaan la wareegay goobihii ay ku sugnaayeen ciidamadii taabacsanaa guddoomiyaha.